Agaasimaha Guud
Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur
Farriinta Agaasimaha Guud
Ku soo dhowoow Xarunta Qaran ee ka Hortagga iyo la Dagaallanka fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata ee Tubsan. Xaruntan oo ku mideysan yihiin hay’ado kala duwan oo dowladeed waxaa ay astaan u tahay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hortagga iyo la dagaallanka fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Xaruntani waxa ay hoos tagtaa xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Hiigsiga Xarunta waa in awood la siiyo qeybaha bulshada si ay ugu midoobaan una diidaan fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Himilada xaruntu waa in la howl galiyo hay’adaha Dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn si ay isaga kashadaan dadaallada wadajirka ah ee dalka iyo dadka looga difaacayo xagjirnimada rabshadaha wadata ee u adeegaysa argagixisada, ayadoo la horumarinayo nabadda.
Xaruntu waxa ay hirgelinaysaa hannaanka “Dowlad mid ah” iyo “Bulsho Mid ah” si aan uga mira dhalinno istiraatiijiyaddeena qaran ee la dagaallanka fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata ee u adeegaya argagixisada. Waajibaadka S xaruntu qaran ee Tubsan waa mid cad oo faahfaahsan.
Waxa ayna hoggaamisaa islamarkaana isku xirtaa dadaallada ay hay’adaha kala duwan ee dowladdu wadaan ee ku qotoma in fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata looga hortago hannaan ku dhisan wada hadalka, is aqbalidda, wacyigelinta iyo dib-u heshiisiin .
Hadafka xaruntu waa in sidoo kale laga hortago qataro cusub halkii lala macamilli lahaa oo kaliya kuwa markaas taagan, ayadoo lala kashanayo dalalka iyo ururrada caalamiga ah ee ku howlan la dagaallanka xagjirnimada iyo argagxisada.