Xarunta Tubsan
Xarunta Qaran ee ka Hortagga iyo la Dagaallanka fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata ee Tubsan waa xarun ka kooban hay’ado dowladeed oo isugu jira heer Federaal iyo heer Dowladgobaleed, Xarunta waxaa lagu dhisay xeer Gole Wasiiso ee Xukuumadda Jamhuujiryadda federaalka Soomaaliya sida ku cad xeer number 131ee uu saxiixay Ra’iisulwasaaraha Xukuumada JFS Bishii Juun ee 2023.
Xaruntu Qaran ee Tubsan waxaa ay hoos tagtaa Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xaruntu waxa ay xiriirisaa isla markaana la shaqaysaa hay’ado kala duwan oo heer Federaal iyo dowlad goboleed ah si loo hubiyo in si isu dheelitiran loo dhaqan galiyo Istiraatiijiyadda qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fekerka xagjirka ah ee rabshadaha wata ee u adeegaya argagixisada.