Maktabaddii ugu horreysay ee nabad-dhiska iyo la dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wadata

Xarunta Qaran ee Tubsan oo xarigga ka jartay Maktabaddii ugu horreysay ee nabad-dhiska iyo la dagaallanka Xagjirnimada Rabshadaha Wadata.
Xarunta Qaran ee ka Hortagga iyo La-dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan ayaa daah-furtay maktabad cusub oo lagu keydiyay buugaag iyo maqaallo cilmi ah oo ku saabsan nabad-dhiska, iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata. Maktabaddaan oo ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo dalka laga hirgaliyo ayaa leh qeyb digital ah oo ay dadku ka aqrisan karaan macluumaadka ku keydsan ayagoo isticmaalaya kombiyuutarro ama internetka.
La-taliyaha madaxweynaha ahna Agaasimaha guud ee xarunta Tubsan Mudane Abdullahi Maxmed Nuur iyo Safiir ku Xigeenka Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda Thomas Kieler ayaa si wadajir ah xariga uga wada jaray maktabaddan oo ay taageertay Midowga Yurub.
“Maktabaddaani waxa ay qeyb ka noqon doontaa dadaallada ay xaruntu ku wiiqayso fikradaha xagjirka ah ee ay kooxadaha argagixisada ahi ku faafiyaan dalkeenna, ayada oo qeyb ka qaadan doonta nabad-dhiska iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada” ayuu yiri La-taliyaha madaxweynaha ahna agaasimaha guud ee Xarunta Tubsan mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xusay in dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah aan looga guuleysan karin dagaal kaliya balse loo baahan yahay in sidoo kale fikrad ahaan loola dagaallamo.
Safiir ku-xigeenka Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda Thomas Kieler oo ka hadlay furitaanka Maktabaddan ayaa bogaadiyay tallaabada ay xarunta Tubsan ku hirgelisay Maktabadan. Dhinaca kale waxa uu xusay in Midowga Yurub uu taageerayo la dagaalanka firkradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata.
“Taabbagelinta Maktabaddan waxay qeyb ka tahay sidii looga guulaysan lahaa xagjirnimada rabshadaha leh isla markaana ay u saldhigi lahayd aasaaska bulsho xasilan” ayuu yiri mudane Thomas Kieler.
Maktabaddaan ayaa ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga hirgaliyo dalka. Waxa ay qeyb ka noqon doontaa dadaallada ay xaruntu ku wiiqayso fikradaha xagjirka ah ee ay kooxadaha argagixisada ahi ku faafiyaan dalkeenna, ayada oo ka qeyb ka qaadan doonta nabad dhiska iyo kor u qaadidda wacyiga bulshada.
Share
Facebook
Twitter
LinkedIn
WhatsApp
Print
Scroll to Top