Xarunta Tubsan iyo UNCCT oo tababbar ku saabsan ka hortagga Xagjirnimada u qabanaya dhallinyarada

Xarunta Qaran ee ka Hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha Xagjirka ee Rabshadaha wata ee Tubsan oo kaashaneysa UNCCT(United Nations Counter-Terrorism Center) waxay qabanaysaa codsiyo tababarro loogu talagay Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Barnaamijkaan oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano Yeeb “Youth Engagement and Empowerment Program in Somalia”  Barnaamijka isku–xirka iyo Dhiirrigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ah mid lagu awood siinaayo dhallinta, si ay qeyb uga noqdaan Ka-hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (PCVE), isla markaana ay kaalin muuqata ka qaataan bulshada dhexdeeda.

Barnaamijka ayaa ku bixi doona qaab fogaan arag ah (Online) iyo tababar ahaan, waxaana looga gol leeyahay in Dhalinyaradda Soomaaliyeed ay ka dhaxlaan tababarro iyo aqoon wax ku ool ah oo ay dhallinta kale ee assaaggooda ah ay wax ugu sheegi karaan uguna dhiiran karaan.

Haddii aad tahay qof daneynaya in uu ka faa’ideysto barnaamijkan isla markaana ay da’daada u dhexeyso 19-29, fadlan buuxi foomka codsadaha adiga oo ku dhufanaya linkigaan, waqtiga kama dambaysta ahna waa18-ka bishan Janaayo, 2024.

Share
Facebook
Twitter
LinkedIn
WhatsApp
Print
Scroll to Top